Kooxda hoggaanka mutadawaca ah ee hagta Foundation-ka, Machadka iyo Madarasada Mama Habiba.
Aisha Khaliif, 23 sano, waa dhalinyaro ku dhaqan Magaalada Kismaayo oo ka mid ah aasaasayaasha Madarasada Mama Xabiiba. Muddo saddex sano ah waxay ku howlanayd baridda iyo fidinta diinta Islaamka, iyadoo aqoon u leh fiqiga, axkaamta, iyo tafsiirka. Hadda waxay barataa cilmiga caafimaadka iyo qalliinka, hadafkeeduna waa inay isku darto aqoonta diinta iyo caafimaadka si ay bulshadeeda ugu adeegto daacadnimo iyo naxariis.
Bahja Adem Cabsiiye, 19 sano, waa dhalinyaro ku dhaqan Magaalada Kismaayo, xaafadda Guulwade. Waxay soo baratay culuumta shareecada, iyadoo ka qayb qaadatay machad shareeco iyo duruusta culimada, sidoo kale waxay tababar ku qaadatay gargaarka degdegga ah iyo cilmiga kombiyuutarka. Hadda waa ardayad jaamacadeed oo barata Kulliyadda Tarbiyadda Islaamiga ah, waxayna dhammaysatay sannadkii koowaad ee waxbarashadeeda. Muddo laba sano ah waxay ku howlanayd dacwada, iyadoo sidoo kale internetka ku samaysa wacyigelin ku wajahan haweenka oo taabanaysa dhinacyo kala duwan. Markii ay aragtay baahida hablaha Kismaayo u qabaan haween u istaaga waxbarashadooda iyo danahooda, waxay qayb ka mid ah waqtigeeda Alle dartii ugu hibeysay Madarasada Mama Xabiiba, si ay uga qayb qaadato waxbaridda, wacyigelinta iyo horumarinta gabdhaha bulshada.
Aisha Noor, 22 sano, waa dhalinyaro ku dhaqan Magaalada Kismaayo, xaafadda Faanoole. Waxay soo baratay culuumta shareecada, iyadoo ka qayb qaadatay machad shareeco iyo duruusta culimada. Hadda waa ardayad dhigata machad caafimaad, waxayna barataa cilmiga umulisanimada. Muddo laba sano ah waxay ku howlanayd dacwada iyo wacyigelinta bulshada, waxayna tahay macallimad qabata duruus iyo muxaadarooyin diini ah oo lagu wacyigeliyo haweenka Kismaayo. Markii ay aragtay baahida hablaha Kismaayo u qabaan haween u istaaga waxbarashadooda iyo danahooda, waxay ka mid noqotay macallimiintii bilaabay Madarasada Mama Xabiiba, taasoo siisay fursad iyo goob ku habboon oo ay haweenka wax ku bari karto, ugana qayb qaadan karto kobcinta aqoontooda iyo tarbiyaddooda.
Shamsa Cabdulle Adde waa dhalinyaro ku dhaqan Magaalada Kismaayo, xaafadda Guulwade. Waxbarashadeeda hoose iyo dhexe waxay ku qaadatay Dugsiga Faanoole, waxayna ka qalin-jabisay Dugsiga Sare ee Jubba ee Kismaayo. Waxay culuumta shareecada ku soo baratay Machadka Sheekh Maxamuud, waxayna shahaadada tafsiirka ka qaadatay Masjidka Xared-Yarow. Hadda waxay Jaamacadda Kismaayo ku barataa Caafimaadka iyo Qalliinka. Muddo afar sano ah waxay wax ka dhigaysay machadyo kala duwan, iyadoo dhigtay Siirada, Xadiiska, Fiqhiga, Tafsiirka iyo Luqadda Carabiga. Waxay ku biirtay Madarasada Mama Xabiiba si ay aqoonteeda iyo waayo-aragnimadeeda ugu adeegto haweenka iyo gabdhaha Kismaayo.
Ifraah Mahamuud Mahamed Aadan waa Madaxa Barnaamijyada ee Madarasada Mama Xabiiba, Kismaayo. Waxay machadka ugu soo biirtay iyadoo macallimad ah, kadibna waxay haysay Xilka Xiriirka Dadweynaha, ka hor intaanay u gudbin xilkeeda hadda. Iyadoo u wanaagsan abaabulka, waxay madarasada ku soo dartay macallimiin mutadawiciin ah oo tayo leh, waxayna ka mid tahay dadka dadaalka badan gelisa shaqadeeda.
Fatxa Dayib waa gabadh firfircoon oo ku nool magaalada Kismaayo, kana barata cilmiga nafaqaynta (Nutrition). Waa qof jecel caawinta dadka, gaar ahaan haweenka iyo carruurta, kana go'an inay aqoonteeda ugu adeegto horumarinta bulshada. Waxay hore uga soo shaqaysay warbaahinta Kismaayo, halkaas oo ay ka heshay waayo-aragnimo dhinaca xiriirka iyo wacyigelinta bulshada. Bishii Abriil 2026, bil kaddib markii la furay Madarasada Mama Xabiiba, ayay ku soo biirtay madarasada oo ka shaqaysa waxbaridda, taageeridda iyo horumarinta haweenka. Mustaqbalka, Fatxa waxay rajaynaysaa inay aqoonteeda nafaqaynta uga faa'iidayso haweenka, iyadoo ka caawinaysa sidii ay carruurtooda u siin lahaayeen nafaqo caafimaad leh oo taageerta korriinkooda iyo caafimaadkooda.
Macallimad Ahlaam Mohamed Hersi waxay waxbarashadeeda aasaasiga iyo sare ku qaadatay magaalada Sanca, iyadoo Qur’aanka iyo Tajwiidka si joogto ah u baranaysay, sidoo kalena hal sano Culuumta Islaamka ka baratay Markaz Al-Hudaa. Waxay haysataa Bachelor-ka Luqadda Ingiriisiga iyo tababar macallinnimo. Hadda waxay Madarasada Mama Habiba uga adeegtaa Madaxa Tababarada Macallimiinta iyo Manaahijta, iyadoo khibraddeeda waxbarid uga faa’iidaysa tayeynta macallimiinta iyo manhajka.